|
Mogadishu- 21-June-2007- Somchess.com Guddoomiyaha xiriirka
Somaliyeed ee Shataranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac iyo ciyaartooy
ka tirsan xiriirkaasi ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho,
iyagoo u baqoolay magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo ay kaga qeyb
qaadanayaan tartan ay halkaasi ku leeyihiin xiriirada dalalka Carabta
ee ciyaaraha shataranjiga.
 |
| Kooxda
Shataranjiga Somaliyeed oo maanta u ambabaxday magaalada Khartoum
ee dalka Sudan |
Ciyaartooydaan
Somaliyeed oo ka kooban 6 kana socda xiriirka Shataraniga Somaliyeed
ayaa maanta waxaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay Baar Fiat ee
magaalada Muqdisho ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Muqdisho.
 |
| Guddoomiyaha
shataranjiga Somaliyeed Axmed Cabdi Xasan Wataac oo suxufiyiinta
kula hadlay Muqdisho ka hor inta aanu u duulin magaalada Khartoum |
Xafladii
sagootinta oo socotey muddo labo saacadood ah ayaa waxaa ka soo
qeybgalay saraakiil sar sare oo ka socotey xiriirka Somaliyeed ee
ciyaaraha ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano GOS, xubno ka socday
dowladda KMG ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
 |
| (
Midig) Aadan Yeberow Wiish (Bidix) Guddoomiyaha xiriirka Somaliyeed
ee Shataranjiga |
Guddoomiyaha
xiriirka Somaliyeed ee Shataranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa
qudbad uu ka jeediyay halkaasi waxa uu sheegay in ay ku rajo weyn
yihiin in ay guulo ka keenaan tartanka haatan ay u socdaan isla
markaan aanu aheyn markii ugu horreysay oo xiriirkooda ciyaartooy
ka socota ay kulamo ceenkaan oo kale ah dibaddaha u aadaan.
 |
| Xafad
loo sameeyay ciyaartooyda xiriirka Somaliyeed ee shataranjiga
ee maanta u ambabaxay dalka Sudan |
Waxa uu ku booriyay
ciyaartooyda xiriirka Somaliyeed ee Shataranjiga in ay muujiyeen
niyadsami isla markaana ay si wanaagsan ula tartamaan kooxaha ka
soo horjeeda.
 |
 |
| Xafad
loo sameeyay ciyaartooyda xiriirka Somaliyeed ee shataranjiga
ee maanta u ambabaxay dalka Sudan |
Sidoo kale
Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Aadan yabaroow Wiish oo ka socoday
xiriirka Somaliyeed ee ciyaaraha, isagoo ku amaanay ciyaartooyda
xiriirka Shataranjiga sida ay ugu diyaargaroobeen ciyaaraha, isagoo
ku booriyay in ay la yimaadaan maskax dagan iyo dulqaad dheeri ah
si ay u guulesytaan.
 |
| Kooxda
Shataranjiga Somaliyeed oo maanta u ambabaxday magaalada Khartoum
ee dalka Sudan |
Ma ahan markii
ugu horreysay oo xiriirka Somaliyeed ee Shataranjiga ciyaartooy
iyo macalimiin ka socota ay tartamo u aadaan dalalka dibadda, iyagoo
horey dhowr tartan uga soo qeyb qaatay.
Somali Chess Federation, Somalia
Feedback:- info@somchess.com
|