Somali Chess News: Last Updated: Tue, 26, June 2007
Kooxda Telcom Somalia ee Shataranjiga oo tartamo la qaadatay kooxo ka socda Urdun iyo China
 


 



Mogadishu- 26-June-2007- Somchess.com
Kooxda Telcom Somalia ee xiriirka Shatarnajiga Soomaaliyeed u matalaysa tartamada naadiyada carabta ee Shatarnajiga oo maanta la cayaaray naadiyo ka dhisan dalalka Siiriya iyo Urdun.
kooxda Telecom Somalia ee u matalaysa xiriirka Shatarnajiga Soomaaliyeed tartanka naadiyada Shatarnajiyada dalalka carabta ee ka soconaya magaalada Khartum ee xarunta dalka Sudan ayaa maanta guuldaro kasoo hoyey labadii kulan ee ay ciyaareen ayadoo tartanku maanta uu galay maalintiisii labaad.

Kooxda xiriirka Shataranjiga Somalia oo tartamo kula jira kooxo ka kala socda dalalka Syria iyo Urdun
Guddoomiyaha xiriirka Somaliyeed ee Shataraniga Axmed Cabdi Xasan Wataac oo horkacaya kooxda xiriirka Somaliyeed ee shataranjiga ee ciyaaraha kaga qeybgalaya dalka Sudan

Labada cayaarood ee naadiga shatarnajiga Telecom Somalia uu maanta cayaaray ayaa waxa uu la dheelay labo naadi oo ka dhisan dalalka Urdun iyo Siiriya ,cayaartii 1aad ayaa ku dhamaatay 3-1 halka cayaartii 2-aad ay kusoo idlaatay 4-0.
Cayaaryahanada matalaya xulka shatarnajiga Soomaaliyeed ayaa muujinaya niyad wanaag iyo in guul wax ku ool ah ay kasoo hoyn doonaan cayaaraha kale ee ay qaadan doonaan ayagoo ka halqabsanaya cayaar waa gelin danbe.

Kooxaha xiriirada shataranjiga Somalia iyo Suuriya

Gudoomiyaha xiriirka Shatarnajiga Soomaaliyeed Axmed Cabdi Xasan (Wataac) ayaa shabakadan mar ay wax ka waydiisay cayaarihiii maanta waxa uu sheegay in uu ku kalsoonyahay cayaaryahanadiisa isla markaana cayaaraha soo socda natiijooyin wax ku ool ah ay rajaynayaan , waxa uuna tilmaamay in guuldaradii maanta ay tahay mid aysan filanaynin .

Gudooomiyaha xiriirka Shatarnajiga (Ches) Soomaaliyeed waxa uu tilmaamay in dhiiro gelin ballaaran ay kala kulmayaan dhalinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan Sudan isagoo muujiyey in aysan ka niyad jabin cayaarta waxa uuna balan qaaday in cayaartooydaan ay guulo la taaban karo usoo hoyn doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciyaartooy ka mid ah xiriirka Somaliyeed ee Shataranjiga oo la ciyaaraha kooxo ka kala socda dalalka Syria iyo Urdun

Muxsin Maxamed oo ka mid ah cayaartoyda qaranka Soomaaliyeed u matalaysa tartankaan ayaa sheegay in rajadooda ay wanaagsantahay isla markaana maalmaha soo socda ay wax iska badali doonaan natiijooyinka waxa uuna ku tilmaamay guuldaradii maanta mid si lama filaan ah ku timid .

Dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah ayaa soo xaadirtay maanta goobta uu ka socda kulanka ayagoo dhiiro gelinaya cayaartoydooda waxaana dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka codsadeen cayaartoyda in aysan ka niyad jabin cayaaraha maadaama maanta ay tahay maalintii labaad ee tartanka ,kooxduna ay u harsantahay illaa 7cayaarood.

Wixii warar ah ee kusoo kordha cayaarahan kala soco fadlan shabakadan.



Somali Chess Federation, Somalia
Feedback:- info@somchess.com



 
 

 

 

 

 
 
© 2005 Somalichess.com , Designed by Baabul-Softwares