Somali Chess News: Last Updated: sun, 01, June 2007
Kooxda Telecom Somalia oo guuldaro kala soo hoyatay horyaalka Shatranjiga dalalka carabta ee Khartum lagu qabtay
 


 



Mogadishu- 01-july-2007- Somchess.com
Kooxda Telecom Somalia ee xiriirka Shatranjiga Soomaaliyeed u matalaysay horyaalka 9-aad ee naadiyada Shatranjiga (Chess) dalalka carabta ee lagu qabtay magaalada Khartuum intii u dhaxaysay 23-30 bishii tagtay isla markaana ay maalgelinaysay shirkada isgaarsiinta Sudatel ayaa guul daro kala soo hoyday horyaalkaasi ka dib markii kaalinta ugu danbeysta ay ka gashay horyaalkaasi ayadoo naadiga uu helay 7 dhibcood oo qura.

Xaflad ballaaran oo lagu soo afmeerayey horyaalka 9-aad ee naadiyada Shatranjiga dalalka carabta ayaa xalay lagu qabtay hoteelka Alsalaam Rotana ee magaalada Khartum ayadoo xafladaasi ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin sar sare oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dawlaha dhalinyarada iyo isboortiga dalka Sudan ,safiirka Masar u fadhiya Khartum Maxamed Alshaili , gudoomiyaha golaha shuurada xisbiga talada haye ee dalka Sudan Axmed Xasab RAsuum iyo madaxda xiriirada Shatranjiga dalalka carabta.

Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey wasiiru dawlaha Sportiga iyo dhalinyarada dalka Sudan C/qaadir Max'ed Zein oo ugu baaqay madaxda naadiyada Shatranjiga in ay ku dadaalaan sidii loo horumarin lahaa cayaartan oo uu ku tilmaamay mid qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta garaadka bulshada waxa uuna ku tilmaamay cayaaryahanada cayaartan in ay yihiin kuwa caqligoodu yahay si aad ah u heersareeya.

Sidoo kale gudoomiyaha xiriirka Shatranjiga dalka Sudan Naadir Saciid Samiir

oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay in dalalka carabta ay dalkiisa horyaal kaga qeybgalaan waxa uuna si aad ah u amaanay naadiyadii soo xaadiray horyaalkan,isagoo tilmaamay in horyaalkaan uu ahaa mid heersare ah u dhacay isla markaana cayaartoydii ka qeybgashay ay ahaayeen kuwo khibradoodu ay aad u sareyso.

Gabagabadii xafladaasi ayaa waxaa abaalmarino isugu jira bilado dahab iyo qalin ah iyo koobab la gudoonsiiyey kooxihii kaalmaha hore ka galay horyaalka iyo waliba cayaartoydii halkaasi wacdarada ka dhigay, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay naadiga Alsharqiyah ee dalka Masar ka dhisan oo helay 33.10 ayadoo kaalinta labaad uu kusoo baxay naadiga Alshaariqah ee ka dhisan dalka Isu taga imaaraadka carabta oo helay 21 waxaana kaallinta 3aad kusoo baxay naadiga Alsharq ee ka dhisan isla dalka Masar.

Sidoo kale intii xafladaasi ay socotay ayaa waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyey kooxihii kasoo qeybgalay waxaana naadiga Telecom Somalia shahaadada u gudoomay gudoomiyaha xiriirka Shatranjiga Soomaaliyeed Axmed Cabdi Xasan ( Wataac) .

Wataac oo aan wax ka weydiinay guuldarada uu soo hoyey naadigii uu usoo xulay ka qeybgalka tartankaan ayaa waxa uu sheegay in cayaartoyda ay muujiyeen dadaal ballaaran balse nasiibku uu ka weecday waxa uuna hoosta ka xariiqday in cayaartoydiisa qaar ka mid ah loo aqoonsaday in ay yihiin kuwo caalami ah oo khibrad heer sare leh, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xiriirka Shatranjiga dalalka carabta uu qiray awooda cayaaryahanada Telecom Somalia.







Somali Chess Federation, Somalia
Feedback:- info@somchess.com




   
 

 

 

 

 
 
© 2005 Somalichess.com , Designed by Baabul-Softwares