|
Mogadishu- 08-September-2007- Somchess.com
Ku: Dhamman Kooxaha Xariirka Shatranjiga Somaliyeed Rugtooda
Og: Dhamman Ciyaartoyda Shatranjiga Somaliyeed Muqdishu
Og: Gudiga Olimpikada Somalia Rugtoda
Og: Wasaaradda Isboortiga iyo Dhallinyarada Rugtooda
Ujeeddo:
Tartanka Bisha Ramadanka ee Shatranjiga
Xariirka
Shatranjiga Somalia waxaa sharaf u ah inuu diyaariyo Tartanka Ramadaanka
oo loogu talagalay in la hirgeliyo Bisha Ramadaan ee nagu soo fool
leh 15-keeda.
Tartanka
waxaa lagu qaban doonaa Xarunta Xariirka ee ku taal Hotel Jeddah,
wuxuu socon doonaa 15-ka bisha Ramadan ilaa 30-ka bisha Ramadan.
Saacaada
uu Tartanku billaabanayo waa 3: 00 PM (Sagaal Saac Galabnimo) ee
15-ka Bisha Ramadaan, Maalin kastana wuxuu ku soconayaa sida lagu
billaabay.
Tartanku
waa Swiss System waxaana mar walba isku dhacaya ama iska horimaanaya
badiyayaasha ( Winer Vs Winer), Laga badiyahu wuxuu ka horimaanayaa
laga badiyaha kale ( Loser Vs Loser).
Haddaba,
waxaa laga doonayaa dhammaan Kooxaha iyo Ciyaartooyda Xariirku inay
u diyaargaroobaan sida ay uga qaybqaadan lahaayeen Tartankaan Xiisaha
leh ee nagu soo aadan.
Abaalmarin
Xariirku wuxuu diyaariyay Abaalmarino kala duwan oo qiimahoodu gaarayo
10,000,000 Sh. So (Toban Milyan)
Ragistaration
Fee (Lacagta Diiwaangelinta)
Dhmaabn Kooxaha waxaa laga doonayaa inay Bixiyaan Registration fee
dhan 500,000(Shan Boqol kun Sh. So) Kooxdiiba.
Sidaa
darted,waxaan Madaxda Waraaqdaan Ogaysiiska ugu socoto ka codsanaynaa
inay gacan nagu siiyaan habsami u socodka Tartanka Ramadan.
Wabillahi
Towfiq
Axmed
Cabdi Xasan
Gudomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee Shatranjiga
Somali Chess Federation, Somalia
Feedback:- info@somchess.com
|